Cardiff iyo Daah-furkii Buugaagta (Cardiff Books Launch)

Medeshi Jan 19, 2009
Cardiff iyo Daah-furkii Buugaagta
Buugaag cusub oo lammaane isugu sidkanayd, ayaa sabtidii 13kii Bishii tagtay lagu daah-furay magaalada Cardif.
Xafladda daah-furka oo ay soo qabanqaabisay Jaaliyadda Cardiff, ayaa waxa lagu falanqeeyey labada buug ee kala ah:
Ugu horrayn waxa xafladda furay C/raxmaan Axmed Dooddi oo hadalka ku soo dhoweeyey guddoomiyaha jaaliyadda Cardiif C/raxmaan Cawed oo tilmaamay qiimaha wax-akhrisku ummadaha u leeyahay, isaga oo tusaale u soo qaatay in markii Nebigenna suubban waxyigu ku soo degayey aayaddii ugu horraysay ahayd: “Iqra!” oo ah “Akhri!” Iid Cali Salaan oo isna ka mid ah odayaasha Jaaliyadda ayaa isna madasha hoga-tusaaleeyey ahmiyadda in wax la qoraa dadka ugu fadhido iyo baahida taas maanta loo qabaa inta ay baaxad le’eg tahay.

Intaas ka dib waxa la guda galay daah-furkii buugaagta. “Sida Soomaalidu Geela u Dhaqdo” oo uu qoray Maxamuud X. Ibraahim oo deggan magaalada Oslo, Norway ayaa waxa sharax dheer ka bixiyey qoraaga Maxamed Baashe X. Xasan, isaga oo tilmaamay sababihii curashada buugga, taariikhda geela adduunka iyo saamiga Soomaalidu ka heshay taariikhdaas iyo guud ahaan tirada geela adduunka oo saddex meeloood meel ahaani ku nooshahay arlada Soomaalida. Qoraagu waxa uu tilmaamay aqoonta iyo fekerka ballaadhan oo la xidhiidha habka Soomaalidu geela loo dhaqdo, manaafacaadkiisa kala geddisan, maamulkiisa sida; taranta, sidka, adkaysinka iyo saamaynta uu ku leeyahay afka, hiddaha, dhaqanka, fekerka iyo felsefedda, dhaqaalaha iyo wax-soo-saarka, iyo guud ahaanba kaalinta uu kaga jiro bulshada Soomaaliyeed. Heesaha, gabayada iyo guud ahaan murtida golayaasha geela iyo arlada uu ku dhaqan yahay laga isticmaalo, ayaa galabtaas la soo bandhigay, taas dad badan xiise gaar ku abuurtay.

Buugga labaad ee la soo bandhigayna waxa uu ahaa Hal Aan Tebayey oo laga qoray taariikhda iyo gabayadii abwaankii waddaniga ahaa ee qurbaawiga ahaa Alle ha u naxariito’e Xaaji Aadan Axmed Xasan (Af-qallooc). Warbixin soo jiidatey quluubtii ka qaybgalayaasha xafladdaas oo ku saabsanayd taariikhda la yaabka leh ee Xaaji Aadan Af-qallooc iyo gabayadiisa dhuuxa iyo lafta ka nool, ayaa waxaa soo bandhigay qoraaga buugga Maxamed Baashe X. Xasan.
Xafladda daah-furka buugaagta ee Cardiff, waxa dhextaal u ahaa bandhig suugaaneed. Hal-abuurka Aadan Cumar Maxamed oo loo yaqaan Aadan Gaab oo ka tirsan jaaliyadda Germany. Aadan Gaab waxa uu soo bandhigay maansooyin xiisa badan lahaa oo aqooni ka muuqato, kana hadlayey barbaarinta ubadka iyo qiimaha taariikhda.
Waxa xusuus iyo xiise gaar ah lahaa in xafladdaasi ay ka soo qaybgaleen oo weliba dareen xiise leh muujiyeen dhallinyaro ay da’doodu aad u yar tahay oo xoog u danaynayey dhaqanka, afka iyo suugaantooda.
Hal Aan Tebayey oo laga qoray sooyaalkii iyo gabayadii Alle ha u naxariisto’e abwaankii waddaniga ahaa ee qurbaawiga ahaa Xaaji Aadan Axmed Xasan (Af-qallooc) iyo buuga kaleba hadaad doonayso in’aad mulkido kala xidhiidh Wales- Eng. Awil Saalax Mobile: 07932854645. iyo Abdirahman M-Dooddi mobile: 07939191729.

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay