Somali Book Launch in Dubai


Medeshi Dec 16, 2008
Daah-furka Buugaagta ee DUBAI iyo Qoraaga Maxamed Bashe

Dadka Soomaalida ah ee wax-akhriska iyo suugaanta xiiseeya ee ku dhaqan waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta waxa lagu wargelinayaa in galabnimada Khamiista ee habeenka Jimcuhu soo gelayo ee maalinta ugu horraysa sannadka cusub ee 1st Jan. 2009 lagu daah-furi doono magaalada Dubai ee dalka UAE buugaag saddexan ah oo laga qoray Soomaalida iyo waayaheeda.

Buugaagtaas saddexanka ah waxa qoray Maxamed Baashe X. Xasan oo habeenkaas goob-joog noqon doona xafladdaas daah-firka. Buugaagtu waxa ay kala yihiin:

HAL AAN TEBAYEY: Baal-taariikheedkii iyo Gabayadii Xaaji Aadan Axmed Xasan (Af-qallooc):
GURI WAA HAWEEN: Kartida iyo Kasmada Haweenka Soomaalida
HAL KA HALEEL: Sooyaalka iyo Suugaanta Hadraawi

Xafladda buugaagtaas lagu gardaadinayo, waxa ka qayb geli doona dad magac weyn ku leh bulshada dhexdeeda oo ay ka mid yihiin aqoonyahano Soomaali ah, Odoyaal, haween, wiilal iyo gabdho u heellan suugaanta Soomaalida. Waxa laga wada imanayaa dhammaan magaalooyinka ugu dhowdhow Dubai ee Imaaraadka Carabta dhammaantiis iyo waddamada la jaarka ah sida Cummaan iyo Qatar." Abwaan Cali Sugulle Dun-carbeed ayaa ka mid ah abwaannada habeenkaas xafaladda ka qayb qaadanaya.

Goorta: Galabta Jimcuhu soo gelayo 1st Jan 2009 (7 PM- 11 PM)

Goobta:. AL BUSTAN CENTRE (HOTEL)

Al Nahda Road - Al Qussais (behind Ahli Club)

The Hall is near the food court

Dubai (border of Sharijah)

Tel: 971-4-263-0000

Website:www.al-bustan.com

Contacts in Dubai:

971-50-715-8155

971-50-504-7763

Somali Book Launch in Dubai, waa munaasibad dahabi ah oo xambaarasan mafaatiixdii dhaqanka dhigaalka iyo ereyga qoran laxaadkiisa.

Ka soo qayb-gal wacan iyo kal-furnaan ballaadhan!

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay